DEG DEG: Ciidamo Oromo ah oo Aargoosi ku Xasuuqay Soomaali badan

13 Rag ah oo Soomaali ah ayaa ku dhintay weerar Ciidamo ka tirsan Dowlad Degaanka Oromada Itoobiya ay ku qaadeen Ganacsato Soomaali ah

Weerarkan ayaa ka dhacay degaanka Hawadaay oo ka tirsan dhulka Oromada Itoobiya,waxaana falkaani la sheegay in uu yahay mid aargoosi ah oo ay Oromada u geysteen Soomaalida Itoobiya.

Sanadihii la soo dhaafay waxaa jiray dagaal u dhaxeeyay dowlad Degaanka Oromada Itoobiya iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya,iyada oo ay dad badan ku dhinteen.

in ka badan 500 Qof ayey iska dileen Ciidamada labada dhinac oo sidoo kalena aan deyneyn dadka rayidka ah,waxaana Sanadkan billowgisii labada dhinac ay heshiis ka gaareen dagallada u dhaxeeyay.

Dagaalka Oromada iyo Soomaaliya ayaa ka billowday dhul ballaaran oo ku yaalla sohdinta labada maamul oo ay isku heystaan cidda xukumeysa,waxaana markii ugu dambeysay heshiis u kala saxiixay labada dhinac labada Madaxweyne Goboleed ee Maamullada Oromada iyo Soomaalida.

Raggan la laayay ayaa Ganacsatada qaadka ka ahaa degaankaas,waxaana ay Qaad ka soo qaadan jireen dhinaca Oromada iyada oo ka hor falkan ay jirtay digniin ay heysteen dadka labada dhinac oo ah in aargoosi uu dhinac kasta sameyn karo,taas oo hadda ku dhacday Soomaalida.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII