DARAASAD: Dumarka Iskaabulada Ee Aan Xiriir Jaceyl Lahayn Waxay Ka Farxad Badan Ragga Iskaabuladda Ah ..

Daraasadaan ayaa cadeyneysa in dumarka iskaabulada ah mar walba ay yihiin kuwa ka fir fircoon kana fur furan ragga doobka ah , sababtoo ah waxaa la ogaaday inay yihiin kuwa aad u mashquul badan oo wax walba sameyaan.

Cilmi baaristan waxaa lagu sameeyey dumar badan iyo rag iskaabuliyaal ah waxaana %61 la ogaaday in dumarka ay yihiin kuwa mar walba ka dulqaad badan ragga.

Sidoo kale %75 waxaa la ogaaday in dumarka aysan ka  wal walin cidlada iyo sidoo kale inay ahaadaan xiriir jaceyl la’aan balse mar walba waxaa ay muujiyaan inay yihiin kuwa u diyaar ah howlohooda caadiga ah.

Waxaa arintaan la iska weydiiyey waxyaabo badan oo ku aadan labada ruux  ee xiriirka jaceylka ka dhexeeya , si lamid ah xilliyadooda faraaqada waxay isku mashquuliyaan arimaha social Media.

‘’Waxaa jira dumar badan oo aan xiriir lahayn balse iska faraxsan mar walba , sababtoo ah kuma mashquulaan xiriirka jaceyl ee soo dhaafay iyo marxalada ay ku sugan yihiin, waxaa ay weliba si aad u qabataa howsha guriga , raashiin ka rinta iyo wax walba oo xilligaas looga baahan yahay,’’ Professor Emily Grundy ayaa sidaa u sheegay The Telegraph.

Inta badan ku mashquulkooda arimaha kale iyo muuqaalka jirkooda waxaa ay ilowsiisaa inay mar walba xasuustaan wixii hore, layaabna malahan.

Alla Maxay dumar badan oo iskaabula ah ka farxad badan yihiin dhigooda wiilasha !! sidoo kale waxaa inta badan la isku dhaafay Social Media-a isticmaalkiisa.

‘’Dumar waxaa ay inta badan sameeyaan waxyaabo badan oo soo jiidasho leh kuna saabsan arimaha bulshada , waxaa ay kaga kalsoon tahay ragga inay xiriir la’aan ahaato.’’ Ayuu Dr Grundy ku daray hadalkiisa.

Sheekadaan ayaa u baahan in lagu kala duwanaado waxaana uu sidoo kale jirikara rag iskaga qanacsan nolosha iskaabulanimmada

Waxaa Qoray: Amoore Barre

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII