DAAWO+Faahfaahin: Qarax ka dhacay Muqdisho & Darawalkii Gaariga oo Goobta ka baxsaday.

0

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax gaari oo goor dhoweyd ka dhacay Wadadda Maka Almukaram, gaar ahaan agagaarka isgoyska shaqaalaha ee magaalada Muqdisho

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Gaari miineysan oo la dhigay meel u dhow hotelka Mubaarak, waxayna wararku sheegayaan in darawalka gaariga oo laga shakiyey ay ciidamada amniga hotelka u yeereen, basle uu goobta ka baxsaday isagoo cararray, waxaana wax yar kadib qarxay gaarigii uu waday oo ahaa nooca raaxada.

Qaraxa ayaa dhaliyay qasaare kala duwan, waxaana goobta oo ahayd meel mashquul badan xiray ciidamada amniga, wuxuuna qaraxa geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here