DAAWO: Sidii Quruxda badneyd ee xilka loogu wareejiyey Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo…

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud.

Waxaa xilwerejinta lagu bilaabay kulan dhexmaray labada masuul ee isbedelaya, waxay isku wareejiyeen xogo iyo ducoments la xiriira heshiisyada , mashaariicda socda, balamaha iyo xogo shaqo.

Farmaajo iyo Xasan kadib waxay wada booqdeen hantida Qaran ee lagu soo helay magaca Madaxweynaha Soomaaliya oo isugu jirta Dahab, dheeman , luul iyo waxyaabo kale oo qaali ah , Madaxweynihi hore Xasan shiikh ayaa alaabtan oo ay ku jirto seefta dahabka ee caanka noqotay ku wareejiyay Madaxweynaha Cusub Farmaajo.

Markii ay xil wareejintu dhamaatay waxa halkaas laga sii sagootiyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

DHAGEYSO LIVE 7124322959 AMA 0017124322959

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

error: Content is protected !!