Daawo Sawirro: Toogasho dhimasho & dhaawac sababtay oo goor dhow ka dhacday magaalada Paris

Askari boolis ah ayaa toogasho lagu dilay, mid kalena waa lagu dhaawacay weerar goor dhow oo caawa saqdii dhexe ah ka dhacay bartamaha magaalada Paris, sida ay sheegeen booliska Faransiiska.

Wararka waxay intaa ku dareen in ninkii dableyda ahaa ee askarta toogtay isna markii dambe la dilay.
Champs Elysees oo ah goobta toogashadu ka dhacday ayaa boolisku xireen. Ilaa haatanna lama sheegin ujeedada weerarkan.

Weerarkani wuxuu dhacay iyadoo musharaxiinta u tartamaya madaxtinimada dalkaas ay doodii ugu dambaysay ee Telefishanka ay dhex maraysay ka hor maalinta codbixinta loo dareerayo oo ah Axadda soo socota.

Arimaha doodda ba’ani ka taagantahay ayaa waxa ka mid ah mintidnimada Islaamiyiinta, ka dib markii weerarro baaxad lahaa oo dalka ka dhacay ay sheegatay kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Booliska ayaa sheegay in ilaa haatan aanay jirin wax cadaynaya in weerarkani ahaa fal argagixiso, ayna wadaan baaritaan ku aadan qofka weerarkan geystay waxaa uu ahaa.

Wakaaladda wararka Reuters oo soo xigatay booliska ayaa ku warantay in weerarku ahaa isku day dhac hubaysan oo lala maaganaa goobo halkaas ku yaalla.

Goobta uu weerarkan ka dhacay ee Champs Elysees oo ah meel dunida aad looga yaqaano oo dalxiiseyaal badani yimaadaan ayaa beryahaba laga baqayey inay bartilmaameed noqoto.

salaamu Caleykum wr wb, walaalayaal waxaan idinla wadaagayaa inshaAllah, numbarada cusub ee qolka 114 bar ama baro, qolkaan oo ah ... 
hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII