DAAWO SAWIRRO: Macalin Shiines ah oo qaaday talaabo Dunida laga hadal hayo

Macalin wax ka dhiga jaamacad ku taala dalka Shiinaha ayaa hooyadiis oo waayeel ah, islamarkaasna xanuunsan uu u kaxeeyay fasalkii uu casharka ka bixinayay kadib markii uu waayay qof uu ku soo dhaafo.

Macalinkan oo lagu magacaabo Hu Ming oo ku nool koonfur galbeed gobolka Guizhou ee dalka Shiinaha ayaa si joogto ah fasalka ugu soo wata hooyadiis oo ah qof aad u waayeeloobay.

Ardayda ayaa markii hore u qaatay in haweenayda xagga dambe ee fasalka fadhida ay tahay macalimad hore oo hawlgab noqotay, si kormeer ahna ku joogta fasalka, balse markii dambe waxa ay ogaadeen in ay tahay macalinka hooyadiis.

Sheeko uu arrintan ka qoray wargayska Beijing Youth Daily ayaa waxaa baraha bulshada lagu faafiyay wax ka badan 7,000 jeer, astaanta Like ayaa waxaa la saaray 100,000 , waxaana laga bixiyay 9,000 oo aragtiyo badan oo dhammaantood lagu ammaanayo macalinka.

Ilowshaheeda ayaa waxa uu gaaray heer aan xad lahayn, iyadoo aanan xitaa kala garanaynin sokorta iyo oomada, halisna u ah inay wax kasta ku dhacaan.

Macalinkan ayaa sheegay in hooyadiis mararka qaarkood ay fasalka ku dhex huruddo, mararka kalana ay iska dhagaysato casharada iyadoo xagga dambe fadhida. Waxa uu intaas ku daray in dhaqankeeda fasalkeeda dhexdiisa uu yahay mid aad u wanaagsan oo aanan wax buuq iyo dhibaato ku abuurin ardayda.

Maamulka Jaamacadda uu dhigo macalinkan ayaa waxa ay sheegeen in ay ka gaabsanayaan arrinta in macalinka uu hooyadiis fasalka keeno.

Dadka qaarkood ayaa sheegay in macalinkani uu ardayda barayo casharka ugu wanaagsan adduunka, oo ah in waalidka loo baarri noqdo.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII