Daawo Sawirro: Ciidamada Midowga Yurub ee jooga xeebaha Somalia oo Talis cusub yeeshay

0
254

Britain ayaa si rasmi ah ula wareegtay hoggaanka ciidamada Midowga Yurub ee ilaaliya xwebaha Soomaaliya.

Xaflad ballaaran oo lagu qabtay markab kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidamada badda Talyaaniga oo ku sugan xeebaha dalka Djibouti ay dowladda Britain kula wareegtay xilkaasi.

Hoggaanka ciidamada Midowga Yurub ee ilaliya xebaha dalkeena Soomaaliya ayaa waxaa horay u hayay ciidamada badda ee dowladda Talyaniga,

Taliyihii xilkaasi wareejiyay ayaa sheegay in sanadkii la soo dhaafay ciidamada la dagaallanka burcad badeedda ay xeebaha Soomaaliya ka soo qabteen ilaa 6 burcad badeed ah oo ay ka qabteen agagarka xeebaha Puntland, isagoo xusay in ay aad u yarayeen weerarrada burcad badeedda Soomaalida

Lixdii biloodba mar ayaa hogaanka ciidamada Midowga Yurub ee ilaaliya xeebaha Somalia waxa la wareegay mid ka mid ah dowladaha Midowga Yurub ee ay ciidamadu ka joogaan xeebaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here