DAAWO SAWIRRO: Baaquli lagu iibsaday Lacag ka badan 37- milyan oo Dollar

Warbaahinta Caalamka ayaa si weyn u hadal heysa Baaquli Kun sano kahor dalka Shiinaha laga isicmaalaay oo lagu iibsaday lacag ku dhaw 38- Milyan oo Dollar,

Baaquligan ayaa lagu xaraashay Hong Kong waxaana lagu iibsaday lacag aan caqli gal aheyn oo ka badan 37-Milyan oo Dollar, waxaana baaquligan iibsaday hantiile aan wali magaciisa la shaacin.

Sida BBC-da ku warantay Baaquligan lacagta faraha badan lagu iibsaday ayaa soo jiray tan iyo taariikhdii Song Dynasty ee dalka Shiinaha, waxaana baaquligan uu wataa taariikh gaar ah.

Baaquligan oo la dhigay xarunta Xaraashka ee Sotheby ayaa suuqa yaalay kaliya 20-daqiiqo, waxaana dadka doonayay in ay iibsadaan isugu jireen kuwa xaruntay joogay iyo kuwa Telfoon soo dirayay.

Xaraashka baaquligan cabirkiisu yahay 13cm, ayaa ku bilowday 10.2 milyan oo doolar,waxaana ugu dambeyn lagu iibsaday lacag ku dhaw 38-Milaan oo Dolar taa oo dad badan ka yaabisay.

Madaxa shirkadda Sotheby ee dalka Shiinaha Nicolas Chow ayaa baaquligan ku tilmaamay wax aan caadi aheyn, waxa uuna sheegay in uusan marnaba fileyn in lacag intaas la eg lagu iibsan doono baaquligan.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII