DAAWO SAWIRO:- Faah faahino ka soo baxayo Wariye Caan ah oo ku dhaawacmay Dagaal toos ah oo Muqdisho ka dhacay

Suxufi ka tirsan Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho, ayaa ku dhaawacmay israsaaseyn ciidamada dowladda ku dhexmartay nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan.

Mahad Maxamed C/raxmaan (Mutawakil) oo ah Suxufiga dhaawacmay ayaa la sheegay inuu ku sugnaa goob ciidamada Maamulka Degmada Hodan ay ka wadeen howlo bur burin ah.

Ciidan kale oo la sheegay inay ka tirsan yihiin dowladda oo ka carooday bur burinta guryaha lagu haayo ayaa rasaas ku bilaabay ciidamada Maamulka Degmada Hodan, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaare.

Wariyaha oo ku sugan goobta ayaa xabadihii ciidamada ay isweydaarsanayeen ku dhacday sida Suxufiyiin Shabelle ka tirsan ay xaqiijiyeen.

Wariyaha ayaa la sheegay garabka iyo kilida inay kaga dhacday xabada, iminkana lagu dabiibayo Isbitaal ku yaal Magaalada Muqdisho.

Suxufiyiinta Radio Shabelle waxa ay ku waramayaan xaaladda Wariyaha inay tahay mid wanaagsan oo iminka daryeel caafimaad loo fidiyay.

Idaacadda Shabelle ayaa ka mid ah Idaacadaha ka hawlgala Magaalada Muqdisho oo suxufuiyiin fara badan laga dilay.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Warkii.Com

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII