DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka Amniga oo afur u sameeyay Xildhibaanada Labada Gole ee Beesha Mudullood

Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow “Ducaale” ayaa afur u sameeyay Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ee ka soo jeeda Beesha Mudullood

Kulanka afurka ayaa la isku weydaarsaday talooyin iyo fikrado la xiriiray howlaha amniga dalka iyo arrimo kala duwan oo dalka ah, iyadoo Wasiirku uga warbixiyay qorshayaasha Xukuumadda uga degsan arrimaha amniga.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa sheegay in Xukuumadda ay wado dadaalo ay ku sugeyso Amniga dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho, waxaana uu u sharaxay Xildhibaanada qaabka uu u socdo howl galada xasilinta Caasimada.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo Senatarada ayaa ka mahad celiyay afurka uu u sameeyay wasiirka Amniga Gudaha, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay kulamada oo kale in la isku weydaarsado wixii talo iyo tusaale ah.

Kulankan uu la qaatay Wasiirka Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Beesha Mudullood ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhowaan uu Wasiirku soo saaray amar lagu farayo Xildhibaanada iyo Wasiirada Xukuumadda inay muddo 14 cisho gudahood ku soo diiwaan geliyaan ilaaladooda iyo hubka ay wataan.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

salaamu Caleykum wr wb, walaalayaal waxaan idinla wadaagayaa inshaAllah, numbarada cusub ee qolka 114 bar ama baro, qolkaan oo ah ... 
hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII