Daawo Sawirada: Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyo iyo Weerar ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Waxa Warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan labo Qarax oo Khasaaro geystay oo Goordhaweyd ka dhacay Nawaaxiga Hoteelka SYL oo ku yaalla Agagaarka Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya,iyadoona qaraxyada kadib halkaas laga maqlay Rasaas Xooggan.

Qarax koowaad ayaa ka dhacay agagaarka taalada SYL oo aan ka fogeyn Madaxtooyada,waxaana kadib la maqlay Rasaas xooggan,waxana goobjoogayaal ay Sheegeen in gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa uu xoog ku soo gudbay koontoroolka Ciidamada Dowlada ay halkaasi ku lee yihiin,ka dibna ay Rsaaseeyen sidasina uu ku qarxay.

Weli lama oga khAsaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Weerarka iyo qaraxyada Maanta ka dhacaya Agagaarka Hoteelka SYL oo ku yaalla Nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa gaaray Goobta uu qaraxa ka dhacay,waxaana ay wadaan Baaritaano kala duwan oo ku aadan qaabka ay wax u dhaceen.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here