Daawo Sawirada: Hormuud Foundation oo deeq lacageed gaarsiisay dhaawacyada qaraxii Muqdisho

Shirkadda Hormuud Foundation ayaa Deeq Lacageed gaarsiisay Bukaanada ku jira Isbitaalada Madiina iyo Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Msuuliyiinta Hormuud Telecom iyo Hormuud Foundation  ayaa mid mid u guddoonsiiyay Bukaanadii ku soo waxyeeloobay qaraxii dhawaan ka dhacay Muqdisho iyo bukaanada kale  Min 100 dollar oo kaash ah.

Guddoomiye ku xigeenka Hormuud Foundation Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi oo la hadlay Saxafdd aya sheegay in tan iyo markii uu dhacay qaraxii sabtidii  ay Hormuud ku howlaneed howlo dab damis ah maantana ay bilowday gurmad deeq lacageed ah oo ay ugu tala gashay Bukaanada.

Deeqda Lacageed ee maanta Hormuud Foundation ay gaarsiisay Bukaandaasi Soomaliyeed kuwaas oo ku soo wax yeeloobay qarixii xooga badnaa ee zoobe.

Shirkadda Hormuud Telecom ayaa had iyo jeer kala qeyb qaadata Bulsha weynta Soomaaliyeed hadba daruufaha ay ku nool yihiin.

Waxaana si ay u dar dar geliso kaalmadeeda Beni’aadanimo u sameysay Hay’ad lagu Magacaabo Hormuud Foundation.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII