Daawo Sawirada: Hooyo Syrian ah oo 42 jir ah iyo Gabadheeda oo 21jir ah ayaa isku mar dhalay 2;wiil,magacee loo bixiyay?

Magaalada Konya ee Dalka Turkiga waxaa isku mar umulay Hooyo Syrian ah oo lagu magacaabo Fatma Birinci oo 42jir ah,halka Gabadheeda Gade oo 21jir ah ay iyana dhashay Wiil sida hooyadeed oo kale.

Labadooda waxaa ay saddex Sano ka hor ka carareen dalkooda Syria oo ay colaad sokeeye ka jirto,waxaana ay u qaxeen Dalka Turkiga

Dhaqtarka guud ee Isbitaalka Magaalada Konya ayaa booqday,waxaana uu yiri “waa wax cajiib ah oo aanan waligey maqal,saddex sano ka hor ayey ku soo qaxeen dalkeenna,manta Isbitaalka ayey labadooda ku dhaleen labo wiil”.

Labada Wiil ayaa loo bixiyay Magacyada Recep iyo Tayyip oo ah labada magic ee ugu horreysay Madaxweynaha dalka Turkiga,sida uu qoray Wargeyska Ensonhaber ee Dalka Turkiga.

Umulisada labada Haween ee is dhalay oo lagu magacaabo  Naim Unsal,ayaa sheegtay in waxaa ay kula kulantay isbitaalkooda yihiin mucjiso ee aysan caadi ahayn,waligeedna ku fakarin dhacdadan oo kale in ay dhaceyso.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII