Daawo Sawirada: Faras dad badan ka yaabsaday kadib markii uu ku dul baroortay Meydka ninkii lahaa

Warbaahinta Caalamka qaarkood ayaa Warbixino kala duwan waxa ay ka qoreen faras layaab leh, kaa oo ku dul baroortay meydka ninkii lahaa ama dhaqan jiray xili Ehelada Ninkaasi isku diyaarinayeen in ay aasaan.

Faraskan ayaa la geeyay halka uu yaalay naxashka ninkii dhaqan jiray oo lagu magacaabo Wagner de Lima Figueiredo, oo 34-sano jir ahaa , waxaana faraska oo murugo ka muuqatay uu dul tagay kuna baroortay naxashka uu ku jiray Meydka Wanger.

Qaar kamid ah ehelada ninka geeriyooday ayaa dhanooda dareenkooda isbadalay markii ay arkeen murugada faraska heesata, waxaana dhacdadan ay ka dhacday magaalada Paribas ee kutaala dalka Brazil.

Faraska ayaa markii dambe laga kaxeeyay halka uu yaalay meydka ninkii dhaqan jiray, waxaana Warbaahinta dalka Brazil ku tilmaameen faraskan mid mucjiso ah oo muujiyay jaceylka uu u qabay ninkii lahaa ama dhaqan jiray.

 

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII