Daawo Sawirada: Dhismaha Xabsi weyn oo si Casri ah loo diyaarinayo oo Dhismihiisa Muqdisho ka socdo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dhismaha xabsi weyn oo si casri ah loo dhisayo, Xabsigan ayaana dhismihiisa waxa uu hada ka socdaa Ex Xaruntii hore ee Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Xabsigan dhismihiisu ka socdo magaalada Muqdisho ayaa ah mid si qurux badan loo diyaarinayo kana badalan xabsiyadii hore ee magaalada ku yaalaya, waxaana dhaqaalaha xabsigan ku baxaya bixinaya Beesha Caalamka.

Dhismaha xabsigan ayaa ka koobnaan doono qolol Maxaabiista lagu xiro, Goobo waxbarasho oo dadka Xabsiga lagu soo xiro lagu barayo cilmiga kala duwan , ,Guryo ay ku shaqeeyaan Garsoorka,meelo loogu talo galay in Maxaabiista ay ku qaataan nasiino iyo Madadaalo , garoomo kubada lagu ciyaaro iyo barkadaha dabaasha.

Xabsigan ayaana noqon doona mid soo jiita dadka maxaabiista ah ee lagu xiro marka loo eego xabsiga weyn ee Xamar ee hada dadka lagu xiro iyo xabsiyada kale ee dalka kuyaala oo ah kuwa aan laheyn adeegyo dhameestiran.

Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta golaha shacabka ay ka dhacdo Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ay isku soo sharaxeyn Afar Musharax.

Doorashada ayaa ah mid xiiso gaar ah leh, waxaana Musharaxiinta xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka u tartamaya kala taageersan qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa xilkan ugu cad cad midkoodna laga yabaa in uu kusoo baxo Xildhibaan Maxamed Cusmaan Jawaari iyo Xildhibaan C/Rashiid Maxamed Xidig, labadana Musharax ayaana la saadaalinaya in wareega ugu dambeeya isugu soo hari doonaan midkoodna laga yaabo in uu guuleesto.

Doorashada ayaa ah mid adag oon la saadaalin karin cida kusoo baxeysa, Musharaxiinta ayaana saacadihii ugu dambeeyay waday olole xoogan ay ku doonayaan sidii ay ugu guuleesan lahaayeen Kursigan.

Amaanka xarunta doorashada ka dhaceysa iyo wadooyinka soo gala ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la xiray Wadooyin muhiim ah oo kuyaala magaalada Muqdisho si looga hortago in la carqaladeeyo inta doorashada ay socoto.

Jaamacadaha iyo iskuulada kuyaala magaalada Muqdisho ayaa maanta intooda badan la fasaxay, waxaana shacabka magaalada Muqdisho ay si weyn uga dhursugayaan doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo natiijada kasoo baxda.

Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa kala saari doonta Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya Qaarkood, waxaana kursiga Gudoomiyaha Baarlamaanka hadii uu kusoo baxo Xildhibaan Xidig meesha ka bixi doono Mudsharaxiin saameyn badan leh oo kasoo jeeda Beesha Daarood ay ku jiraan Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isna damaciisa ku aadan in dalka Madaxweyne ka noqdo dib u liqi doona hadii kursiga Gudoomiyaha Baarlamaanka loo doorto nin kasoo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle, waxa uuna shariif sameeyay dadaalo badan si uu kursigaasi beeshiisa uga weeciyo.

Saacadaha soo socda ayaa wax badan ay isbadali doonaan, waxaana tartankan loogu jiro kursiga Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa horudhac u yahay doorashada adag ee Madaxweynaha Soomaaliya.

?

DHAGEYSO LIVE 7124322959 AMA 0017124322959

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

error: Content is protected !!