DAAWO SAWIRADA: Al‐Shabaab oo soo bandhigay Magaca iyo Qabiilka uu kasoo jeedo Shakhsigii isku Qarxiyey Buula Guduud

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa soo bandhigay Gaadiid iyo Hub farabadan oo ay sheegen inay ka qabsadeen ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Gaadiidka iyo Hubka ayey sheegen inay ku qabsadeen dagaalkii ay 3­dii September ee sanadkaan ku qaaden xerada ciidanka dowlada ay ku leeyihiin deegaanka Buulo gaduud ee Gobolka Jubbada hoose.

Hubka ay soo bandhigeen maleeshiyaadka ayaa waxaa u badan qoryaha Ak47 iyo nooca loo yaqaan Sabanka oo ay isticmaalayeen ciidankii ka cararay hubka.

Alshabaab waxa ay sidoo kale soo bandhigtay 2 ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay ku qabsadeen weerarkii Buulo gaduud.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa inta badan ka faa’iideysta Hubka dowlada, waana sababta ay dowladaha saaxiibada ah uga caajisaan in dowlada ay siiyaan Hub iyo Gaadiid dagaal.

Hubka Shabaabka ay soo bandhigeen waxaa kaloo ku jira Qoriga loo yaqaan sabanka oo dagaalka loo isticmaalo, marka la eego hubka ay soo bandhigeen waxaa muuqata xerada ciidanka Buulo gaduud hub badan inay ka qaateen Shabaab.

Xoogaga Shabaab ayaa sidan oo kale dhawr mar u soo bandhigay hub kala duwan oo ay ku qabsadeen dagaalo ay ku qaadeen xeryo ciidan oo ku yaallo Gobolada dalka Soomaaliya Filimka ayaa lagusoo bandhigayaa Ninkii fuliyay weerarka is qarxinta oo lagu magacaabi jiray Cabdi Caziiz Cabdullaahi kanasoo jeeda Beesha Eelaay kaasi oo isagoo kaxaynayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay gudaha ugalay saldhigga ciidanka maamulka Jubbaland ee Buula Guduud.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII