DAAWO: Abwaan Baarleex oo Caafimaad dibadda ah loo qaaday.

0

Kadib mudo uu ku xanuunsanayay Muqdisho iyo meelo kale Abwaan C/llaahi Xersi Baarleex ayaa saakay loo qaaday Isbitaal ku yaalo dalka Turkiga si loogu soo Daaweeyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa gacan ka geysatay in Abwaanka dibadda loogu qaado xaalado Caafimaad waxaana fududeeyay Xaafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Saraakiil u hadashay Xafiiska Madaxweymaha Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegag iney ka warqabi doonaan Abwaan Baarleex inta uu ka Caafimaadayo ee uu ku sugan Dalka Turkiga.

Maareeyaha Wakaaladda Murtida iyo Wacyi Gelinta Soomaaliya Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure ayaa ka mid ahaa Masuuliyiinta arintaan wax ka soo abaabulay Islamarkaana saakay ku sagootiyay Airport-ka Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here