Cod sir ah “Maamulka Gobalka Banaadir oo qirtey in Shabab ay Canshuur joogto ah ka qaadaan Muqdisho”

0

Shirkii shaley ka dhacay xaruunta Gobalka Banaadir ee asbuuclaha ahaa oo uu shir gudoominaayey Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa muqdisho Cabduraxmaan Cumar Cusmaan eng yariisow ayaa waxaa looga hadley dhibaatadda ka taagan Muqdisho iyo sida aan waxba looga qaban karin iyo digniin uu shan maalmood ka hor uu MW Farmaajo siiyey maamulka gobalka oo aheyd “Aniga labo sano ayaan dhabarka idin ki sidey mana idin sii hayn karo intaan ka dib sidaan idin dhabarka idiinku siday tuur ayaan yeeshey” Taasoo ah in MW Farmaajo uu qirsan yahay in maamulka iyo taliska amniga ee Gobolka Banaadir aay fashilmeen, balse uusan waxba ka qaban karin maadaama aanan lagu magacaabin rabitaankiisa. Dhammaan Gud. degmooyinka iyo taliska booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa magacaabay RW Kheyre waxayna si toos ah uga amar qaataan RW Kheyre.

MW Farmaajo ayaa sidoo kale yiri ” waxaad tihiin dad iswada haysta oo aan wada shaqeyn, waxaad kawada tirsan tihiin hal maamul ismana taqaanaan sida aad qirateen, ba ii sheega dad aan is aqoon sida aay ku sugi karaan amni? sidaas dareed hada ka dib cudurdaar ma heli doontaan”.

Gudooniyaha degmada howlwadaag Cabdikariin Cali-kaar ayaa kulanka asbuuc laha ah ka sheegey in dadka reer Muqdisho ay cadaab ugu jiraan dowladda MW Farmaajo iyo al-shabab oo intuba ka rabaan canshuur baad ah ama xoog ah.

Gudoomiye Cali-kaar ayaa yiri “hadii aan nahay maamulka gobalka waxaan lacag xoog ah ka qaadnaa dad ku nool gobalka banaadir, shababkuna sidoo kale, hadaba maxaan is dhaannaa anaga iyo shababka” Gudoomiye Cali-kaar oo sii hadley ayaa yiri ” shababka ayaa naga cadaalad fiican waana naga aadaab badan yihiin, laakiin anaga ka maamul ahaan dadka Muqdisho ku nool ma matali karno dhib weyn baan ku haynaa halkii aan wax u qaban laheyn”

Duqa Muqdisho Eng Yariisow ayaa xaadir ahaa kulanka, hase ahaatee gudoomiyaal badan ayaa ku raacay amaba si buuxda u taageerey hadalka gudoomiye cali-kaar.

Gudoomiyeyaasha taageerey hadalka Gudoomiyaha Howl Wadaad waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha degmada Waaberi, gudoomiyaha degmada Hodan, gudoomiyaha degmada Wadajir, gudoomiyaha degmada Yaaqshiid iyo gudoomiyaha degmada Cabdicasiis.

Halka hoose ka dhageyso



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here