Ciidankii Ugu badnaa Kenyaan ah oo Lagu soo daadiyay Xadka Somalia & Diyaarado Dagaal oo…

Ciidamada Kenya ayaa howl gallo ka bilaabay xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, kaddib markii laga war helay in tiro dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ka soo gudbeen xuduudka Soomaaliya.

Diyaaradaha dagaalka Kenya iyo ciidamo lugta ah ayaa saacadihii la soo dhaafay lagu arkay xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Saraakiil ka tirsan kenya ayaa sheegay inay wadaan howl gallo ay ku baadigoobayaan ragga la sheegay inay ka soo gudbeen xuduuda.

Ciidamada Kenya ayaa soo buuxiyay xuduuda, waxaana saacadihii la soo dhaafay diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeymo ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Bisha soo socota ee Agosto ayaa lagu wadaa in dalka Kenya ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada dalkaas, iyadoo laga cabsi qabo in weeraro ka geystaan Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa horay weeraro ka geystay gudaha Kenya, waxaana weerarkii ugu khasaaraha badnaa uu ahaa kii sanadkii 2015 lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo lagu dilay in ka badan 140 ruux oo u badnaa arday.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII