Ciidamo cusub oo lagu soo daadiyay Isgoysyada Muqdisho iyo Xog Dahsoon oo laga helay

0

Wararka aan ka heleyno qeybo kamid magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Shalay galab lagu arkay qeybo kamid ah Isgoysyada Muqdisho ciidammadii Nabad sugidda ee dhawaan laga qaaday Isgoysyada.

Ciidammada Isgooysyada lagu arkay ayaa ku labisnaa dharka ciidammada Booliska Soomaaliya, dhawaanna ciidammadii Nabad sugidda muqdisho waxaa lagu daray Booliska.

Meelaha lagu arkay ciidankan waxa kamid ah Isgooysyada Taleex iyo Dabka ee Muqdisho.

Ciidamadan ayaa waxaa la sheegay inuu taliye uyahay Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed Fariid.

Askarta la keenay Isgooysyada Muqdisho ayaana la ogeyn qaabka ay wax uga badali doonaan amaanka Caasimadda.

Magaalada Muqdisho ayaa muddo gaaban waxaa isku badbadalay amnigeeda ciidamo kala duwan oo isugu jiro Nabadsugid, Militari iyo Boolis.

Dhawaan ayey aheyd markii Madaxweyne Farmaajo uu amray in la furo jidadka Muqdisho isla markaasna laga qaado ciidamada ku sugan oo ahaa kuwa ka tirsan ciidamada Xasilinta oo uu markii dambe Madaxweynaha kala diray dhamnaantood.

Khilaaf xoog leh ayaa ka dhashay markii ciidamada xasilinta la kala dirayey waxayna markii hore amar ka qaadan jireyn Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here