Ciidamo boolis ah oo lagu kordhiyay degmooyinka G/Banaadir

0

Degmooyinka Gobolka Banaadir Ayaa Waxaa Lagu Kordhiyay Ciidamo Cusub Oo Boolis Ah, Sida Ay Idaacadda Risaala Ee Magaalada Muqdisho U Sheegeen Saraakiil Ka Tirsan Booliska Soomaaliya.

Xarun Walba Oo Ka Tirsan Waaxyaha Degmooyinka Gobolka Banaadir Ayaa Waxaa La Geeyay Ciidamo Boolis Ah, Kuwaasi Oo Si Gaar Ah U Hawlgala Xilliyada Habeenkii.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Ayaa Waxa Ay Sheegeen Ujeedada Ciidamadan Loo Hawlgeliyay Inay Tahay Sidii Ay Uga Hortagi Lahaayeen Dhaca Iyo Boobka Burcada Hubeysan Ay U Geysanayaan Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan Oo Todobaadkan Bilawgiisa La Hawlgeliyay Ayaa Waxa Ay Xilliyada Habeenkii Ah Sameeyaan Hawlgallo Baaritaano Ah, Waxaana Qorshaha Uu Yahay In Lagu Kordhiyo Ciidamo Kale, Si Loo Xaqiijiyo Ammaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Muqdisho Ayaa Dhibaatooyin Kala Duwan Oo Mararka Qaar Dil Sababta Waxa Ay Kala Kulmaan Burcad Hubeysan, Kuwaasi Oo Ku Hubeysan Bastoolado Iyo Qoryaha AK-47, Islamarkaana Wata Mootooyinka Bajaajta Iyo Kuwa Labada Lugood Leh.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here