SAWIRRO: Ciidamada Jubbaland oo Shabaab kala wareegay deegaan ka tirsan Jubbada hoose

0

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga dalka Somaliya & Shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta deegaan hoostagga Magaalada Kismaayo.

Ciidanka ayaa qabsaday deegaanka Koban oo hoostagga Magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsanaa Shabaab, lamana sheegin dagaal halkaasi ka dhacay.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay inay sii socon doonaan oo ay gaari doonaan deegaano kale oo ka tirsan Jubbaland si Shabaab looga saaro.

Ciidamada ayaa sidoo kale ku guuleystay soo saarista Miinooyin gaaraya 11 oo Shabaab ay ku aaseen wadada, kuwaasi oo ay ku jiraan Miinooyin aad u culus.

Muddooyinkaan dambe Ciidamada Jubbaland, ayaa waxa ay wadeen dhaq dhaqaaq Militari oo ay ku doonayaan qabsashada deeganada Shabaab ay ka joogaan Gobolada Jubbooyinka.

Ciidamada Al Shabaab ayaa dhankooda isku dayay difaacashada dhulka ay ka maamulaan Jubbooyinka, maadaama Ciidanka jubbaland & kuwa Xoogga dalka ay doonayaan gaarista deeganada Shabaab ay joogaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here