Ceeb Ka Raacday Maanta Madaxweyne Farmaajo Magaalada Gaalkacyo iyo Sawirkiisa Oo La…

0
1509

Wararka Aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaaladaasi ay sameynayaan dibad baxyo rabshada wata oo ay kaga soo horjeedaan imaanshaha Madaxwne Farmaajo ee uu dhawaan ku tagi doono Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug.

Dadkaan dibad baxyada dhigaya ayaa la sheegay iney jeex jeexiyaan oo ay bur burin ku sameynayaan boorar loogu tala galay in lagu soo dhaweeyo Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado in uu gaaro halkaasi, kadib safara kala duwan oo  uu ku marayay qaar kamid ah degmooyinka gobalka bari.

Dibad baxyaasha ayaa la sheegay in markii danbe ay kala eryeen ciidamo katirsan kuwa xooga dalka kuwaa oo kor u ridayay rasaas ay ku kala eryayaan dadka dhigayay dibadbaxyada ay ku diidan yihiin imaanshaha Madaxweyne Farmaajo ee deegaanadooda oo la sheegay inuu dhawaan imaan doono.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu tego Gaalkacyo iyo Deegaano katirsan Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here