Cabdikarin Guled, Sharif Xassan iyo Cabdiwali Gaas siyaasad ma isku darsan karaan? Maxa ka soo baxay shirkii Nairobi?

0

Waxaa habeen hore magaalada Nairobi ku kulmay Sharif Xassan iyo Cabdikarin Guuleed oo kali ah iyaga oo ka hadlayay sidii ay u abuuri lahaayeen Xisbi Mucaarad ah kaas oo shaqo ka bilaabayo isku aruurinta xubnaha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee hadda ku jira baalamanka. Kulankaan ayaa daba socday kulan sadax geesood ah oo horay uga dhacay Naironbi.

Cabdikarin Guuleed ayaa waxa uu ku jiraa walaac siyaasadeed oo uu dirbiyada madaxa kula dhufanaayo:

Sadaxdii bilood ee la soo dhaafay waxa uu ku mashquulsanaa sidii looga dhigi lahaa Ra’iisal Wasaaare oo u u badali lahaa Xassan Cali Kheyre isaga oo kulamo kala duwan u qabtay qaar ka mida beeshiisa iyo Mucaaradkaba.

Horay waxa uu uu ugu soo fashilmay wadahal uu sanadkii hore la furtay dowlada Farmaajo oo uu doonaayay in uu Wasiir uu ka noqodo. Kulanktaas ayaa ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Hadaba hadda maxuu qorshaynayaa? Waxa uu habeenadii u danbeeysay kulamo gooni gooni ah uu kula jiray Sharif Xassan iyo Cabdiwali Gaas oo ku sugan magaalada Nairobi. Kulamadaas ayaa ujeedadoodu ahayd sidii loo abuuri lahaa Xisbi siyaasadeed oo ay sadaxdooda ku mideysan yihiin kaas oo salka ku hayn doono wax qaybsiga 4.5. Qorshaha ayaa ah in la helo labada maqan Dir iyo “others”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here