Cabdicasiis Xildhibaan oo xil cusub loo magacaabay

0

Dhowaan waxaa magaalada Muqdisho looga dhawaaqi doonaa xisbi cusub oo siyaasi ah. Xisbigaan waxaa hogaaminaya madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xisbigaan oo aan wali magaciisa bulshada loo soo bandhigin ayaa warkii ogaatay inuu qaatay magaca ‘Himilo Qaran’ waxaana dhowaan loo sameeyay diiwaan-galin inkastoo aan wali warqadii ogolaanshaha la siinin.

Shariif Sheekh Axmed ayaa lasoo warinaya inuu durba bilaabay inuu aruursado dadkii la shaqeyn lahaa xisbigiisa ,si ay ugu rumoowdo riyadiisa ku aadan inuu xukunka dib ugu soo laabto.

Sida ay ilo muhiim ah noo sheegeen wuxuu ilaa hada magacaabay dhowr xil oo xisbigiisa ah ,waxaana xilalka la magacaabay ka mid ah madaxa warfaafinta ee xisbiga, waxaana loo magacaabay Cabdicasiis Xildhibaan oo ka mid ah dadka dhowaan bilaabay dhaliisha Dowlada Farmaajo.

Cabdicasiis Xildhibaan oo horrey usoo noqday Afhayeenka wasaarada amniga ayaa maalmihii dambe la arkayay isagoo aad uga sheekeynaya taariikh hore iyo xusuus u gaar aheyd Shariif Sheekh Axmed.

Ilo madaxbanaan ayaa inoo sheegay inuu Cabdicasiis Xildhibaan isna bilaabay inuu qorto dhalinyaro kala shaqeysa baraha bulshada, si sare loogu qado magaca xisbiga iyo in la kordhiyo weerarada warbaahineed ee lagu qaadayo dowlada Farmaajo hogaamiyo.

Dadka yaqana shaqsiyadiisa waxaa ay ku qeexaan nin aad u fud-fudud waxaana su’aal dul saaran tahay sida uu wax badan ugu qaban karo xisbigaan iyo inuu noqon karo nin hal dhinac toos ula joogi kara.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here