Bangiga Horumarinta Afrika oo $78Milyan ugu deeqay Somaliya iyo K/Suudaan

Bangiga Horumarinta Qaaradda Afrika ayaa lacag gaareysa $78Milyan oo doollarka Mareykanka ah ugu deeqay Waddamada Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan oo ka mid ah meelaha ugu baahida badan dhinaca kaalmada Caalamiga ah.

Wakiillada Bangiga horumarinta Afrika u saxiixay heshiiska uu Bangiga lacagtan ku bixinaya ay ku wajahan tahay ka hortagga iyo Baahida abaaraha.

$34.8 milyan oo ka mid ah lacagtaan waxaa ay ku aadday Soomaaliya waxaana lagu sheegay in ay ka faa’idi doonaan 804,000 oo qof oo Soomaali ah.

Dhanka Koofurta Suudaan waxaa ay lacagtan ka heshay $43.8Milyan oo doollar,taas oo iyana ay ka faa’idi doonaan 300,000 oo Dadka koofurta Suudaan u dhashay ah.

Warbixinta Bangiga ayaa lagu sheegay in lacagahaasi lagu caawin doono dadka da’da ah,Haweenka,dadka lixaadkooda dhibbanyahay iyo Carruurta ee ay saameynta taban ku yeesheen abaaaraha ku dhuftay Gobolka Geeska Afrika.

Heshiiskan waxaa saxiixay afar dhinac oo kala ah Soomaaliya,Koofurta Suudaan,IGAD iyo wakiillada Bangiga horumarinta Afrika.

Wakiillada ka socday Bangiga Horumarinta Afrika in uu Bangigoodu uu qorsheynayo in $1.1Bilyan oo doollarka Mareykanka uu ku maalgeliyo goobaha ay abaaraha iyo barakacayaasha ku suganyihiin.

Kaalmada Bangiga Horumarinta Afrika ayaa lagu sheegay in xoogga lagu saarayo ka jawaabidda xaaladaha deg degga ah,,Cuntadada,Gargaarka iyo kaalmada Daawada,dalalka Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII