warkii.com logo
 

 
 
 

 

Axmed Madoobe oo Nairobi tagaya iyo wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Kismaayo oo la sheegay in xabsiga la dhigay

LIVE Radio :-USA & CANADA +17124329780  UK 03303326544

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ee Jubba, Sh. Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu maanta ka ambabaxayo magaalada kismaayo isagoo ku siijeeda magaalada Nairobi oo sida la sheegay uu uga sii gudbayo  magaalada Brussels ee xarunta midowga Yurub, sida laga soo xigtay saraakiisha madaxtooyada maamulka Jubba, Sh. Axmed oo ay ahayd inuu shalay tago Nairobi ayaa dib uga dhacay, wuxuuna tagi doonaa maanta oo ah sabti  wuxuuna uga sii  gudbi doona qaaradda Yurub,gaar ahaan  dalka Belguim, si uu uga qayb galo shir caalami ah oo looga hadlayo Soomaaliya.

Hadaan wax iska badalin jadwalka hogaamiyaha maamulka  Jubba ee safarkisa uu ku aadayo dalka Belguim ayaa waxay noqonaysaa markii koobaad ee uu cagta saaro qaaradda Yurub iyo waliba markii koobaad ee uu ka qayb galo shir caalami ah oo lagu qabanaayo meel ka baxsan Bariga Afrika.

Wararka kale ee ka imaanaya magaalada kismaayo ayaa sheegaya in shalay ay halkaasi diyaaradi ka qaaday dhaawacyo aan tiradooda lasheegin oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay kismaayo kaas oo lala bartilmaameedsaday sheikh axmed madoobe ,waxaana dhaawacyadaasi loo duulay dalka Kenya si halkaasi loogu daaweeyo ,lamana oga dhaawacyada la qaaday inay kamid yihiin dadkii rayid ahaa ee goobtaasi ku dhaawacmay,iskatoo ay jiraan warar sheegaya in dhaawacyada la qaaday ay yihiin kuwii cuslaa ee aan waxba logaqabankarin gudaha magaalada Kismaayo.

Wararkii ugu dambeeyey kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi ay wali ka socdaan howlgallo ay wadaan ciidamada daacadda u ah sheikh axmed madoobe ,waxaana lasheegay inay ciidamadaasi qabqabteen dad aad u badan kuwaas oo ku dhow ilaa boqol ruux ,waxaana sarkaal u hadlay maamulka axmed madoobe uu sheegay in qaar badan oo ka mid addkaasi la siidaayey isagoo xusay in kuwo laga shakiyey wali ay gacanta ugu jiraan ciidamada ammaanka ee maamulka kismaayo,wuxuuna sarkaalkaasi xaqiijiyey in habeen hore  agagaarka xarunta madaxtooyada kismaayo lagu soo garaay madaafiic, wuxuuna xusay ianaysan jirin wax khasaare ah oo ay geysteen madaafiicdaasi sida uu yiri

Dhinaca kale wararka ka imaanaya kismaayo ayaa sheegay in xubnaha maamulka halkaasi ka jiraa ay xabsiga dhigeen nin ay sheegeen inuu ahaa milkilaha gaarigii doraad lagu weearary Sheekh Axmed Madoobe, kaas oo aysan sheegin magaciisa, balse sida lagu gartay gaarigaasi oo aan hal cadna uusan ka harin oo gabigiisu bur buray

KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH

English News
Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com
WARARKII