Atirishada Aditi Rao Hydari Ranbir Kapoor Waa Qof Igu Qaali Ah

Atirishada Aditi Rao Hydari ayaa ka dhawaajisay inay siweyn kaga hesho jilaaga Ranbir Kapoor oo ku jiro xili wanaagsan.

Sanadii 2016 Ranbir Kapoor wuu soo laabtay wuxuuna la yimdi filimkii Ae Dil Hai Mushil ee Hit noqday sidoo kalena xidigaan amaan balaaran ku helay bandhigiisii wacnaa.

Hadaba Atirishada Aditi Rao Hydari oo la dhacday Ranbir Kapoor sida uu door walbo u sameyn karo waxay tiri “Ranbir waa qof igu qaali ah sidoo kalena ah jilaa cajiib badan oo wax walbo matali karo, marwalbo siweyn ayaan ula cajabaa marka daawado filimadiisa”

“Waxaan u hayaa xushmad weyn waana la dhacsanahay hormarkiisa waana atooraha kaliya ee mar walbo i dhiiri galiyo waxaana jeclahay inaan fanka heer sare ka gaaro sidiisa oo kale”

Ranbir Kapoor iyo Aditi Rao Hydari waxay wada sameeyeen filimkii Rockstar ee Imtiaz Ali iska lahaa sanadii 2011 wixii markaas ka dambeeyay islama shaqeynin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

error: Content is protected !!