Atiriishooyinka Bollywoodka Ee Looga Shakisanyahay In Dil Qorsheeysan Loo Maleegay Sridevi, Divya Bharti, Jia Khan Ayaa Liiska Kujiraan

0

Bollywoodka waxaa katageen atiriishooyin maqaam weyn ka gaareen fanka hindiya mid walbana saameeyn weyn ku yeelatay maqaalkan waxaan kaga hadli doonaa atiriishooyinka Bollywoodka ee geeriyoodeen kuwooda looga shakiyay in dil qorsheysan la dilay.

Sridevi: atiriisho maqaam Super Star-nimo gaartay waa xiddig xiligeedii meel iska saartay dhamaaan atiriishooyinka Bollywoodka bilawgii sanadkii hore ayee ku geeriyotay Dubai geerideedana waxaa lagu sheegay inee biyo waasko ku hafatay.

Balse ilaa hadda dadka qaar iyo saxaafada qaar waxay ku shakisan yihiin in xiddigtaan dil qorsheysan la dilay dad madax ah iyo kuwa sharciga iyo baaritaanada wax ka yaqaanan ayaana sheegen sanadkii hore in Sridevi si qorsheesan loo dilay.

Jiah Khan: Atiriishadan soo jiidashada badneed mustaqbalka weyna ka rajeyneysay fanka wey is dishay balse geerideeda waxaa looga shakisan yahay inuu ka dambeeyo Sooraj Pancholi oo ah Aditya Pancholi wiilkiisa maadama kahor inta aysan is dilin ay uur leheed sida la sheegay.

Cunugii ay caloosha ku waday wey iska soo tuurtay oo waxaa dil ugu hanjabay Sooraj hadii ay cunuga so tuuri weyso gabadhaan oo niyad jabsan nafsada ayee is dhaafisay inkastoo hooyaded Sooraj ku eedeysay dilka gabadheeda.

Divya Bharti: Xidigtaan bilawgii 90-kii Bollywoodka iska heesatay dabaq ayee kasoo dhacday balse ilaa hada lama oga sababtii ay oga soo dhacday inkastoo la sheegay inee miisaankeeda xakameyn weysay daaqada maa dariishada qolkeedana kasoo dhacday iyadoo cabsan hadana waxaa looga shakiyay in dil qorsheysan la dilay gabadhaan.

Parveen Babi: waxaa lagu xaman jiray in ay xiriir hoose la lahed xiddigaha kala ah Amitabh Bachchan , Mahesh Bhatt iyo Kabir Bedi bilawgii qarnigaan ayee geeriyootay dadka inta badan kuma qanacsana inee caadi u geeriyotay oo waxay aaminsan yihiin in dil qorsheysan la dilay.

Lasoco Qeybta Labaad:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here