Atariishadaha Sonakshi Sinha,Priyanka Chopra & Alia Bhatt & Ku Midoobi Doona Soo Saarista Filim Maraykan Ah

0

Atariishada caanka ah ee Sonakshi Sinha ayaa qirtay in ay ka fikirayso in ay soo saarto Filim-ka Maraynka ah ee “Charlie’s Angels” oo hindi ah kaas oo la daawaday sanadkii 2000.

Sida laga soo xigtay Miss Kyra, Sonakshi Sinha oo 29 jir ah ayaa sheegtay” Waxa aan jecelahay in aan filim kala soo muuqdo Priyanka Chopra iyo Alia Bhatt, filim-kaas oo noqon doona Charlie’s Angels”.

Saddexda Atariishadood ayaa haatan ka mid ah kuwa loogu jecelyahay Bollywood-ka kuwaas oo soo saaray Filimo cajiib ah oo xiiso leh.

Sonakshi Sinha ayaa haatan bilaabaysa duubista Filim-keeda cusub ee dabangg 3 kaas oo ay kala soo muuqan doonto Aktarka Salman Khan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here