Atariishada Sara Ali Khan Oo Iska Diiday In Ay Ka Soo Muuqato Filim-ka Tiger Shroff Ee “Baaghi 3”, Maxay Tahay Sababtu

0

Atariishada da,yarka ah ee sida xooga ah u soo kacaysa ee Sara Ali Khan ayaa iska diiday in ay Aktarka Tiger Shroff kala soo muuqato qaybta 3-aad ee Filim-ka Baaghi.

Kadib guulo ay ka soo haysay filimadeedii ugu horeeyay ee Bollywood-ka kana mid yihiin Simmba Atariishada ayaa soo jiidatay mashruucyo aad u badan.

Atariishada ayaa loo soo bandhigay in ay Aktarka Tiger Shroff kala soo muuqato qaybta 3-aad ee filim-kiisa “Baaghi” laakiin Sara ayaa iska diiday sabab la xidhiidha in ayna wakhti badan ka soo muuqan doonin filim-ka.

Filim-ka Baaghi qaybtihiisa kale ayaa ahaa filim ay Atariishooyinku in wakhti yar ka soo muuqdeen camerada sabab la xidhiidha in ay diirada Saarayaan Aktarka hogaaminaya filim-ka.

Laakiin Atariishada ayaa diiday arintaas iyada oo diirada saari doonta filimo ay wakhti badan ka soo muuqan doonto kamerooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here