Atariishad Bollywood-ka Ah Oo Is Dishay & Xiriir Jacayl Oo Sabab U Ah

0

Wararka ka imanaya dalka Hindiya ayaa sheegaya in ay Atariishad Bollywood-ka ah is dishay iyada oo waliba gurigeeda dhexdiisa isku dal-dashay.

Atariishada Naga Jhansi oo matasha Filimada Musal-salka ah ayaa isku dishay gurigeeda oo ku yaala Sri Nagar colony, Hyderabad.

Wararka ayaa sheegaya in ay Atariisha heshay walaasheed oo guriga timid xilli uu maydku ku xidhnaa marawaxada guriga ku taala.

Walaasheed ayaa la hadashay booliska waxana loola orday dhakhtarka Gandi si loo baadho maydka loona ogaado in la dilay iyo in kale.

Wararka ayaa intaas ku diraya in ay Atariishada Naga Jhansi isku dishay jacayl ay u qabtay wiil dhalin yaro ah oo uu Aabeheed u diiday.

Atariishada ayaa la sheegayaa in ay ugu yaraan 20 mar wacday wiilka ka hor intii ayna is dilin sida laga soo xigtay wargayska Hindiya Times.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here