Askar lagu dilay Duleedka Magaalada Muqdisho

0

Sida warkii ee Magaalada Muqdisho ay wararka ku heleyso kooxo hubeysan ayaa dil ka geystay deegaanka Weydoow ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Kooxda hubeysan ayaa rasaas ku furay gaari ay wateen labba askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana rasaataasi ku dhintay labbada askari sida uu Risaala u xaqiijiyay Guydoomiyaha Deegaanka Garasbaaleey ee Duleedka Magaalada Muqdisho Ibraahim Maxamed Rooble.

Wararka ayaa intaas ku daraaya in kooxda dilka geysatay ay isaga baxsadeen halkaasi ka hor inta aynan goobtaasi soo gaarin ciidamada amaanka oo halkaasi ka bilaaway baaritaano ay ku baadigoobayaan kooxda dilka geysatay.

Waxaa maalmihii dambe Muqdisho iyo duleedkeeda kusoo badanaayay dilalka qorsheysan ee loo geysto askarta kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here