Alshabaab Iyo Ciidamada Dowladda Oo Ku Dagaalamay Degmada Balcad

0

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Alshabaab ayaa xalay degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe waxaana dagaalka xoogiisu uu ka dhacay fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin meel ku dhow buundada degmada.

Khasaaro iskugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa soo gaaray dhinacyada dagaalamay sida dadka deegaanku ay u sheegeen Warkii.Com ,iyada oo dagaalka xoogiisu uu socday ku dhawaad 30-daqiiqo.

Wararka saaka ka imaanaya Balcad ayaa sheegaya in uu howlgal ka socdo xaafado ka tirsan degmadaas gaara ahaana xaafadaha ku dhow kuwii dagaalku uu ka dhacay,saraakiisha ciidanka oo la hadlay Warkii.Com waxa ay sheegeen in ay iska difaaceen weerar ay Alshabaab ku soo qaadeen degmada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here