Al-Shabaab oo xukun ku riday rag lagu eedeeyay fal kufsi ah

0

Al-Shabaab ayaa xukun ku riday rag ay ku eedeeyeen in ay fal kufsi ah ka gaysteen degaanka Buqaqable ee Gobolka Hiiraan Bartamaha Soomaaliya, kadib markii Maxkamadda Shabaab la horgeeyay ninkaasi.

Laba nin oo dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay kufsadeen afar dumar ah, islamarkaana mid ka mid ah dhalinyaradaasi uu dilay laba haween ah, ayaa xukunkaan lagu fuliyay.

Maxkamada ayaa ku xukuntay Boqol Karbaash, waxaana intaasi u sii dheereyd in degaanka muddo sanad ah ragaasi laga masaafuriyay.

Maxkamadda Al-shabaab ayaa sidoo kale ninka dilay labada Gabadhood ku xukuntay in uu bixiyo Diyadooda, Maadaama ehelkooda ay dalbadeen diyo.

Goobta xukunkaan uu ka dhacaayay oo aheyd meel fagaare ah ayaa waxaa isugu yimid boqolaal ruux oo dadka degaanka ah, kuwaasi oo daawanaayay qaabka xukunka uu u dhacaayay.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here