Al-Shabaab oo dowlada Somalia uga hormartay cambaareynta go’aankii Trump ee Magaalada Qudus

0

Xarakada Al-shabaab ayaa si kulul uga hadashay go’aankii uu Madaxweynaha Mareykanka magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda.

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa sheegay in tallaabada Qudus uu Mareykanku ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda ay muujinayso sare u kaca cadaawadda uu qabo Islaamka iyo muslimiinta sida uu yiri.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan muslimiinta inay hubka qaataan oo Masjidka Barakeysan ee Al-aqsaa ka difaacaan gumeysiga Yahuudda ee Mareykanku taageerayo, wixii xoog lagaaga qaato laguma soo ceshado wax aan xoog aheyn” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo intaas ku daray in dhulka Falasriin dhammantiis uu yahay dhul barakeysan oo muslimiintu ay leeyihiin.

Dowladaha islaamka iyo Muslimiinta caalamka ayaa ka carooday warkii xalay kasoo yeeray Madaxweyne Trump ee magaalada Qudus uu ugu aqoonsaday caasimada Yuhuuda.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaan weli cadeynin mowqifkeeda ku aadan go’aanka Madaxweyne Trump oo ay si kulul u cambaareeyeen inta badan dowladaha Islaamka.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here