Akshay Kumar Oo Soo Saari Doona Filim Cabsi Ah, Goorma Ayaa La Daawan Doonaa?

0

Sanadka 2019 ayaa noqon doona mid aad u mashquul badan Aktarka Ashay Kumar, Aktarka ayaa haatan dhamaystiray duubista Filim-kiisa Mission Mangal, sidoo kale haatanba bilaabay duubista filim-kiisa Good News kadib marka uu dhameeyo kaas Akshay ayaa bilaabi doona filim-kiisa cusub.

Akshay ayaa saxiixay heshiiska uu kaga soo muuqan doono Filim Cabsi iyo Qosol isugu jira kaas oo duubistiisa la bilaabi doono bisha April.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in uu filimku noqon doono Aar gudasho uu Akshay kumar doonayo in uu ka aad guto nin Cabsi badan.

Sameeyayaasha Filim-ka ayaa haatan dhamaystiraya qiimaha Filim-ka iyada oo la filayo in la daawado filim-ka sanadka 2020.

Filim-ada Akshay ee sanadka 2019 ayaa ilaa haatan kala esari, Good News, Mission Mangal, Housefull 4 Iyo Sooryavanshi,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here