Akhriso: Xildhibaan Soo Bandhigay 10-Shey Oo Uu Kaga Shakisan Yahay Kulankii MW Farmaajo & Uhuru Kenyatta Ee Nairobi

0

Senator Xuseen Sheikh Maxamuud oo ka tirsan Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay kulankii madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa soo bandhigay toban qodob oo uu sheegay inuu ka shakisan yahay.

Wuxuu sheegay in Kiiska iska-waalka Kenya ee arrinta badda oo u ekyahay id qorsheyaal qarsoon xambaarsan.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Senatorka:-

Toban Shay oo aan ka shakiyey:

  1. Kiis iska-waalkii Kenya ee arrinta Badda oo u ekaa mid qorshayaal badan xambaarsan.
  2. Kulankii hordhaca ahaa ee Hogaamiyaasha Itoobiya, Kenya iyo ereteria.
  3. Safarkii xigey ee M.Farmaajo ee Addis, lataliyaasha la socday iyo Kulankii Abiy Axmed.
  4. Daladii Abiy Axmed iyo galab carowgii Nairobi.
  5. Warbixinada Deg-degga ah ee xafiiska warfaafinta M. Farmaajo iyo warka duu-duubka ah.
  6. Abiy Axmed: Waxaan ku guuleystey in labada dhinac ay ka wada hadlaan muranka badda.
  7. Farmaajo: Waxaan ka heshiiney in xiriirka diblomaasiyadda dib loo soo celiyo. Arinta Badda lagama wadahadlin.
  8. Waxaan ka shakiyey qosolka Uhuru iyo waji qafilnaanta Farmaajo.
  9. Waxaan ka shakiyey in Dacwaddii Badda ee ICJ laga noqonayo.
  10. Waxaan ka shakiyey in dalka dembi iyo khiyaano laga galeyo!

Hon. Hussein Sheikh Mohamud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here