Akhriso: C/Welli Gaas oo Sharuudo adag hordhigay Muuse Biixi

0

Madaxweynaha Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa sharuudo ku xiray in la kala qaado ciidamada Puntland iyo Somaliland ee isku horfadhiya deegaanka Tukaraq.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegaya inay diyaar u in qaab wadahadal ah lagu dhameeyo xiisadda ka taagan deegaanka Tukaraq balse ay doonayaan in sharuudo adag ay hordhigaan Somaliland si aysan xiisadda usoo laaban.

Gaas, wuxuu sheegay in Sharuudaha ugu adag ee ay wataan ay tahay in Muuse Biixi uu diyaar u noqdaa Wadahadal islamarkaana u jilicsanaado, sida uu hadalka u dhigay.

“Sharuudeena wey iska cadahay waana in Muuse Biixi la yimaadaa jilicsanaan iyo inuu diyaar u ahaadaa wadahadal lagu joojinayo dagaalka”

“Wadahadalka wuxuu imaanayaa marka ciidamada Somaliland ay dig u durgaan si kale kuma imaan karo”ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweyne gaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here