Abuu Mansuur oo isku dhiibay K/Galbeed 8 13, 2017

Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed Nuuradiin Abuukar; ayaa Wuxuu xaqiijiyay in Sheekh Mukhtaar Roobow uu isku dhiibay Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu xusay in Ciidamada Dowladda ay ka wadeen Abal,haddana ku sii socdaan Xudur.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in Wadahadal ay la galeen Sh. Mukhtaar uu ku oggolaaday in uu tago magaalada Xuddur,halkaas oo uu ku sii sugnaanayo.

Inta badan Ciidamadiisa ayaa looga soo tagay Abal sida uu sheegay Afhayeenka Koofur Galbeed,Nuuraddiin,waxaana uu sababta ku sheegay in ay halkaas u joogaan sidii ay ula dagaallami lahaayeen Al-shabaab.

Maamulka Koofur Galbeed waxaa uu intaas ku daray in wadahadallada u dhaxeeya Abuu Mansuur iyo maamulkaas ay sii socon doonaan.

Afhayeenku waxaa uu ka gaabsaday in  Abuu Mansuur uu muddo joogayo Magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool

salaamu Caleykum wr wb, walaalayaal waxaan idinla wadaagayaa inshaAllah, numbarada cusub ee qolka 114 bar ama baro, qolkaan oo ah ... 
hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII