Abhishek Bachchan Oo Isku Diyaarinaya Sameeyta Filimka Ka Hadlaya Taariikhda Gabyaaga Caanka Ah Ee Sahir Ludhanvi

Warar kala duwan ayaa sheegayaan in rugcadaaga Bollywood-ka ee Abhishek Bachchan uusan hada diyaar u ahayn inuu saxiixo filim cusub kaas oo kamid ah filimada la qorsheynayo inuu kasoo muuqdo jilaagaan.

Abhishek Bachchan ayaa kamid ah jilaayaal caan ah kuwaas oo mar walba diyaar u ah inay ka hadlaan waxyaabaha xilligaas ka taagan Bollywood-ka waxaa uu hada qorsheynayaa inuu filim cusub sameeyo.

Inkastoo hada uusan deg degsiimo u qabin in filim cusub uu jilaagaan sameeyo hadane Abhishek Bachchan waxaa uu mar walba ku mashquulsan yahay qooyskiisa iyo sidoo kale inuu xaaladiisa gudaha ka fikiro.

Filimka uu soo wado jilaagaan waxaa looga hadlidoonaa taariikhda gabyaaga reer India ee Sahir Ludhanvi kaas oo kamid ah suugaaneystiyaasha ugu caansan ee soo maray Bollywood-ka.

Ilo ku dhow dhow Abhishek Bachchan ayaa sheegayaan in jilaagaan uu isku diyaarinayo bilowga taaariikhda gabyaagaas caanka ah ‘’ Abhishek Bachchan waxaa uu bilaabay diyaar garowga taariikhda gabyaa Sahir , waxaa uu sidoo kale doonayaa inuu ka falceliyo Sanjey Bhansali oo ku mashquulsan filimka Padmavati.

Laakiin lama joojin qorsheynta iyo sameeynta filimka gabyaa Sahir waxaana doorka ugu muhiimsan ee filimkaan qaadandoona Abhishek Bachchan oo hada da’daas u muuqda.

Waxaa Qoray: Amoore Barre

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII