Aamir Khan Oo Ku Kalsoon In SRK Filimkiisa Jab Harry Met Sejal Tiyaatarada Gil Gili Doono Berito

Bollywood Mr. Perfectionist Aamir Khan shalay iyo maanta firaaqo ayuu hayaa wuxuuna la fal galaa baraha iyo saxaafada.

Sidaa darteed Aamir Khan ayaa ku kalsoon SRK filimkiisa Jab Harry Met Sejal inuu berito tiyaatarada gil gili doono sidoo kalena nasiib wacan u rajeeyay.

WARAR DHEERAAD AH:
Aamir Khan bartiisa Twitter-ka wuxuu kusoo qoray “Shahrukh, Anushka, Imtiaz, dhamaan waxaan idiin rajeynaa nasiib wacann berito filimkiina! Wan hubaa inuu Boxoffice-ka gil gili doono! Aadban ugu hanqal taagayaa!! Dhamaantiin waan idin jeclahay.

Sidaa darteed Aamir Khan dharbaaxo xoog leh ayuu wajiga kaga dhuftay kuwa suuqa wareejinayaan in isaga iyo SRK loolan ka dhaxeeyo ama xurguf dabiici ah dhex taalo.

Filimka Jab Harry Met Sejal waxaa la daawan doonaa berito oo Jimco ah waxaana wada jilayaan SRK iyo Anushka Sharma waana filim jaceyl ah oo Imtiaz Ali Director ka yahay.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII